Somaliland: President has Ordered Release of Sultan Unaye, Interior Minister Tells Court

6

Somalilandsun- The minister of internal security Mr.Mohammed Ahmed Kahin has asked the attorney general office to drop all charges against traditional elder Sultan Mohammed Muse Cunaye who was in custody for incitation charges. This follows a presidential pardon by the head of state H.E Musa Bihi Abdi who decided to show leniency to the elder.

According to a terse later written to the attorney general office by the minister of internal security which the Horn Newspaper received a copy read….

“In respect to the [president request] I ask you to release the mentioned elder immediately without delay whatsoever.”

Sultan Mohamed Muse Unaye in custody

6 COMMENTS

  1. 1. Lending Scheme Collab Between Somaliland Big Business & Somaliland Banking Sector

    Big Somaliland Businessmen should contribute a few million dollars(USA $) to Somaliland Bank’s, these money should then be used by the banks to give loans to small and medium size businesses inorder to spur economic activity and job growth.

    2. Somaliland Re-Forrestation and Rural Land Revival Scheme(stopping future land degradation and fixing already degraded land and soils)

    Here we are talking about watershed managment, earth dams(water), sand dams(water), creating soil bunds, check dams, gabions, tree planting(re-forrestation) and all assorted works involved with this type of project. Somaliland’s Ministry of Environment have already done some promising and succeasfull work in this field, it needs to build on this success and do it on a larger scale and in strategic areas of the country where it can yield maximum effect locally and on a macro-economic scale.

    Climate change is real and Somaliland together with international partners and UN agencies needs to massivly invest in resilience building in rural Somaliland.

    Success Story: Hargeisa Upper Catchment Project or Maroodi Jeh Upper Catchment project

    This is the type of project i envison should be scaled up nationally, this project was a collaboration between German experts on this type of work and Somaliland Ministry of Environment, the hugely successfull project was financed by Britain, Netherlands, Denmark, Norway.

    3. Somaliland’s Fishing Sector Unable to meet the Demand of even the capital Hargeisa let alone all Somaliland.

    There are plenty of jobs available in the Somaliland Fishing Sector since currently demand outstrips supply. There is however a lack of: finance and equipment(small fishing vessels, trawlers, skilled fishermen, coldstorages(on parts of the Somaliland coast).

    There is therefore a great need for a helping hand to the fishing sector in the forms of providing fishing boats(either through loans or as a donation).

    Somaliland’s government should examine how it could support this sector, I imagine a few thousand jobs could be created in the fishing sector. If a fish processing plant/cannery were to be added to the mix it would create additional jobs.

    4. Creation of an Environmental Department Within the Somaliland Police Force (or a stand alone Environmental Rangers Agency) to Protect Rural Lands in Somaliland from criminal plant and tree burners who make charcoal out of the burnt trees, which they then sell.

    Plant/Tree burning too create Charcoal is a huge threat to Somaliland’s environment and a contributing factor to droughs and famine. Maximum priority must be given to ending this scourge.

    Suggestion:

    Every Somaliland region could have a taskforce of 50 or 100 men whose sole task would be roaming rural areas and protecting the environment from the local and transnational criminals burning trees and plant(many nearly extinct species of plants/trees as well).

    While fighting the tree/plant burners is important it is equally important to increase the use of solar cooking stoves in rural areas, increasing the reach of SomGas products and its gas for use in homes instead of charcoal. (SomGas is a Somaliland company). Alternatives must be provided to the charcoal.

  2. Shirkad askar wareegta leh oo degmooyinka gobolada ka ilaalisa in dhuxusha la gubo waa mid baahi loo qabo oo lacag lagaga heli karo dadka degmooyinkaas dega iyo dowlada iyo haayado iyo qaadhan-bixiyayaalba. Taasi waa mid.

    Marka baahi jirta la buuxiyo(service) baa lacag lagu hela, kolkaas dhalinyaradu ha is weydiiyaan baahiyaha jira maxay yihiin?

    Tusaale ahaan waxaanu ognahay in kaluumaysatada Somaliland aanay buuxin karin baahida kaluun ee Hargeysa iska daa Somaliland oo dhan ee, kolkaas caqligu wuxu odhanaya dhinaca kaluumaysiga shaqo banaan baa ka jirta. Waa laga yaaba in dowladu abuuri karto meel dhalinyarada kaluumeysiga xiisayna ay ku bartaan qaabki ay ku howlgeli lahaayeen iyo in doonyo(laashash) la siiyo. Dowladuhu arrimaha noocaas ah(uu fududeyn sidi loo shaqo geli laha) waa  sameeyaan.

    Dhinaca kale Somaliland waxa baahi weyn ka jirta dhulka miyiga oo dib loo soo nooleeyo, dib loo dhirreeyo, halkaasna dowladu waxa ka abuuri karta “cash for work programmes” dhalinyarada laga shaqaaleysiin karto arrimahaas. Wasaarada Degaanka Somaliland baa gobolada kala duwan ee Somaliland hore uga qabatay programme noocaas ah oo guulo balaadhan keentay, gaar ahaan gobolka Saaxil iyo Sanaag(buurta Daalo), dhirta iyo daaqa ka soo baxay meelaha wasaarada degaanku ka hawlgashay waa mid aad la yaabayso isbedelka ay keentay.

    Dowlada gaar ahaan wasaaradan hada hawsha dhalinyarada ka caawinaysa mid baan aad ugu amaanaya waana iyado wasaaradu rabto in shirkadaha la weydiiyo baahiyahooda jira, kadibna laga fekero sidi dhalinyaradan loo bari laha aqoontaas shirkaduhu raadinayaan, taas waa mid wasiiradu iyo wasaaradu ku amaanan yihiin. Sideeda xukuumadu waa ku amaanantahay mudnaanta ay siisay sida dhalinyarada loo shaqaaleysiin laha, keliya waxa aan leeyahay si cilmiyaysan ha loo wado hawsha. Ajanabiga baanu weerar ku qaadaynaa oo shaqooyinka ka eryaynaa waa meel aad uu daran oo wax laga bilaabo, sideedaba shaqo cusub ma abuurin nin nin lagu bedelay. Faydooyinka ajanabiga dalkeena jooga laga helayo iyagu laftoodu ma yara hadi si cilmiyaysan looga fekero.

    Ta kale ganacsatada waaweyn ee faydada balaadhan ka hela ganacsiga dalka, ma sii socon karto in alaabta inta soo dejiyaan iyagu ila dukaanki ku ibiyaan alaabta, halkaas kumanaan dad shaqadoodi baa ku baa’ba’ay. Taasina waa mid kale oo wax laga qaban karo(si cilmiyaysan oo laga wada tashaday, waayo arrimaha ganacsiga la iskama farogeliyo iyadon la baadhin waxa ay keeni karo faydo iyo khasaareba, talaabooyinka degdega ah waa ka mamnuuc arrimaha ganacsiga).

    Ganacsatada weyn wax badan dalkeena waa uu qabteen waana ku amaanan yihiin, laakin mid kale baa ku xun yihiin, waanu ognahay oo lacag badan baa dalka taala, waxa la gaadhay wakhtigi soo dejinta ay ku darsan lahayeen warshadaha, tusaale ahaan toban ka mid ah ganacsatada weyn oo isu taga wax badan baa qaban kari lahayeen dhinaca warshadaha. Warshad kaluunba ma jirto miyaanay wax lala yaabo ahayn? Warshadi sibidhka? Ma aha dalka lacag ka guro uun, shaqo abuura, warshado bilaaba.

    Ganacsatada weyn ee wax soo dejiya oo boqol kor uu dhaafaya waxa kale ay samayn karaan in Dahabshiil Bank iyo Salaama Bank kala shaqeyn barnaamijka ay wadaan ee lacag amaahinta dhalinyarada rabo in shirkad yar ama ganacsi yar abuuran. Ganacsatada weyn ha kala xidhiidhaan labadan bank sidi ay dhowr malyuun oo dollar ugu darsan lahayeen mashruuca ay wadaan baananku ee lacag amaahina. Faydo weyn baa laga helay mashruucas Salaama bank iyo Dahabshiil bank iyo qaar kaleba wadaan. Halkan dowladu door ayay ka ciyaari karta sidi ganacstada waaweyn iyo baanankan ay xidhiidhin lahayd kuna dhiirigelin lahayd inay wada shaqeeyaan. Ganacsatada weyn lacagtan ay baananka ku darsanayaan ee loo sii amaahinayo dadka ma aha lacag ka lumaysa ee waa mid dib ugu soo noqonaysa, faham yaa?

    Marka dowladeena Somaliland iyo ganacsatadeena weyn ee Somaliland iyo baanankeena Somaliland iyo aqoonyahankeena sida Jamal Cali Xuseen oo baangiyada ugu waa weyn Afrika ka soo shaqeeyay hadi la isu keeno wax badan baa dhalinyarada iyo shaqo abuurka dalka laga qaban kara. Meesha maskax baa loo baahanyahay ee ajnabi la eryo wax la soo hadalqaado ma aha waa ceeb.

  3. Dalka horumaray waxa lagu garta hadi ajaanib uu leeyahay. Waa sababta aduunka oo dhan London isugu tago ama Mareykan ama Dubai. Waa suuqa xorta ah ee ganacsiga, waa xoriyada qofka iyo dadaalkiis, waa nin iyo kartidiis iyadoon la eegeyn midabkaaga ama
    Wax kale, bes ninka shaqada ku haboon baa la siinaya. Waa sida ay Somaliland hada tahay ee soomaali iyo ajaanib keenaysa Hargeysa iyo dhamaan Somaliland. Waa meel dynamic ah waa meel cid walba fursad uu haysa.

    Hadaba Somaliland hadi a
    Ajaaanib soo degey Somaliland oo ka shaqeysto waxa ay ku timi nabada iyo horumarka iyo suuqa ganacsia xorta ah ee Somaliland.

    Hadaba hadi maanta oo halkaas laga sii ambaqaadi laha la taagna aynu bedelkeeda la soo baxnay war odhanaya “ajaanibku kama shaqeysan karo Somaliland” waa nasiibdarro weyn.

    Lagama fiirsan hadalkan, waxa aan huba in hadi dowladu farogeliso suuqa xorta ah ee shaqada oo qasab shaqooyinka ay ajaanibku qabtaan ku siiso muwaadiniin in dalku isla burburi doona dhaqaale ahaan, magac ahaan iyo dhaqdhaqaaq ahaan.

    Dalka ganacsigiisa oo kordha ayaa shaqo abuuraysa, dhalinyarada oo farsamada gacanta barta ayaa shaqo siinaysa, lacagta oo la isu geeyo oo shirkad lagu furto ayaa shaqo ku siinaysa, laakin dowladuhu shaqo kooban ayay abuuri karaan.

    Yaan la taaban ajaanibta dalka, dalal hore ayaa wadadaas ku jabay. Yaan la farogelin suuqa xorta ah ee shaqada. Waa iga talo.

    Hadi aan shirkad leeyahay qofkaaan rabo in aan shaqo siiyo waa in aan xor uu noqdaa.

    Sawir aan wanaagsanayn ayaa Somaliland ka soo baxaya maalmahan dambe, maalgashiga la diiday iyo ajaanibta la eryaya iyo wax la mid ah. Sawirka wanaagsan ee Somaliland caan ku ahayd ee suuqa ganacsiga xorta ayay dhaawacaysa. Ha la saxo warkan.

  4. CAMBAARAYN CUNSURIYADA IYO SHUUCINIMADA AY XUKUUMADU LA SOO SHIR TAGTAY DHINACA SHAQO-Abuurka dhalinyarada.

    Hadaanu nahay qurbajooga Somaliland gaar ahaan inta xukuumada Muuse Biixi tageersan waxa aanu khalad uu aragna warki ku saabsana shaqo-abuurka iyo in ajnabiga loo diidayo shaqooyinka muwadiinku qaban karo waayo waa shuuci-nimo(communism) in dowladu farogeliso shirkadaha gaarka ah(private sector) iyo cida ay shaqo siinayaan.

    Ta kale waxa gebiahaan khalad ah in dowladu dhalinyarada ka dhaadhiciso in dowladu shaqo abuurto, dowladuhu shaqo ma abuuraan, shirkadaha gaarka ah ayaa abuuraha shaqooyinka, shirkad weyn iyo shirkad yarba, kolkaas shaqo-abuurku wuxu ku iman kara oo keliya iyado ganacsiga Somaliland la balaadhiyo hadi ay noqoto suuqeena gudaha(tirada dadka wax ibsada/population) iyo hadi ay noqoto waxa aanu dibada uu dhoofino iyo hadi ay noqoto waxa aanu dalkeena ka soo saarno(kaluun, beero, malab, macdan,shidaal, warshado alaab soo saara iwm).

    Dhalinyarada yaan been loo sheegin. Somaliland shaqo-laan kama jirto ee waxa jirta in dhalinyaradu
    bartaan aqoon aan suuq loo hayn.

    Xisbiga Kulmiye ma cunsuri buu noqday marku ajnabiga shaqooyinka uu diidayo, iyado boqolala kun Somalilanders ah ka shaqestaan dalalka aduunka, waa siyaasad dib uu socod oo khalad ah oo curyaamin doonta dhaqaalaha Somaliland, ta kale waa in barlamaanku uu codeeya oo la sharciyeeya inta aan lagu dhaqaaqin talaabadaas aadka uu khaldan. Dalalka waxaas ku kacay waa ku jabeen.

    Ganacsiga xorta ee Somaliland ee aab dowladu farogelin waa waxa ugu weyn ee Somaliland haysato ee ajnabi iyo qurbajoogba soo jiidaysa. Ajnabiga oo dalkeena ku bata waxa ay ka turjumaysa guusha suuqeena ganacsiga ee ma aha guuldarro.

    Dhalinyaradu ha bartaan farsamada gacanta waa meesha shaqooyinku yaalaan, hadi aad baratid shaqo xafiis dee xafiisyadu waa koobanyahiin ma dhamaan dalka xafiis la fadhiisin kara? Dowladu yaanay been idin sheegin, kobcinta dhaqaalaha shaqo abuura, shirkadaha gaarka shaqada abuura, shaqooyinka dowladu waa kooban yahiin, dowladuhu shaqooyin kooban ayaa abuuri kara bes.

    Somaliland shuuciga fashilmay wadadiisa hadi ay qaado wallahi waa uu dhamaatay wadanka,hadi dowladu sida diktaytarka shirkadaha ku qasbayso cida ay shaqalaysiin karaan yaaba dalka ku hadhaya? Waa sida itoobiyada dadkeedu fakhriga yahay ee dowlad ku noolka ah.uuf.

    Waar dhalinyaradan kibirtay iyagan shaqo rabin ee shaqo meel walba way taala. Kaluunka badda ka buuxa la soo baxa, xashiishka gura, anaguba qurbahaanu ku gurna xashiishka oo lacag ku helnaa ee dhalinyarada Somaliland baa kibray oo shuucinimo aaminsan iyo dowlad afka cunto ka gelisa iyago iska fadhfadhiya.

    Somaliland suuqeeda ganacsiga waa xor(free market of Africa) kolba kii uu wanaagsan baa shaqada helaya xita hadu indhoyar yahay.