EUCAP Safety training course for Somaliland Cost Guard takes off in Berbera

1
Somalilandsun- EUCAP organized a Standards of Training and Certification of Watch-Keeping training course that kicked off on September 2nd at the Berbera Maritime and Fishery Academy in Somaliland.

Read more

1 COMMENT

  1. DEG DEG

    Qurbajooga oo Ka Naxay Warki Warshadaa ku Saabsanaa

    KU SOCOTA MADAXWEYNAHA IYO XUKUUMADA

    Hadaanu nahay qurbajooga waxa aanu xukuumada ugu baaqayna in ay COD DHEER ku sheegto in aanay waxba ka jirin digreetadi Warshadaha ku saabsana.

    Warkaasi waxa uu khalkhal ku keenay dhamaan qurbajoogi iyado dadka badankiisu uu qaateen loo in dalku(Somaliland) joojiyay dhiirigelinta maalgashiga qurbajooga, qolyaha qabyaalada ku dheereeya iyaguna waxa ay sheekadaba uu rogeen in ganacsatada weyn ee Sacad Muuse iyo Habar Jeclo ee wax soo dejiya(importers) dalka loo xidhay oo aan la ogoleyn warshad iyo maalgashi toona.

    Runti waa warki ugu xumaa ee aanu xukuumada ka maqalno hadaanu nahay qurbajooga tageersan xukuumada. Xita sawirku ka bixiyay dalka baan ahayn mid wanaagsan,dalku maba laha wershado badan ee maxa la canshuura? Hadi lacag la raadinayo iyo canshuur waxa mudan in shirkadaha gaarka ahi iska bixiyaan income tax-ka 6% ka ah, taas xooga ha la saaro. Wershaduhu waa lama taabtaan wakhtigan maba soo badan mana gaadhin heerki la rabay ee canshuur dhaafka laga joojin laha.

    Calakuli xaal warkani waa cusub yahay ee ha laga noqdo intaanu inagu faafin oo sawir xun oo intan ka badan ka bixin Somaliland iyo maalgashiga.

    Sideedaba arrimaha dhaqaalaha ma aha in goaamo degdeg ah laga qaato, dhaqaaluhu wax fuduud ma aha waa in si weyn loo sameeya baadhitaano, la tashiyo(dhinacyada ay khusayso) inta aan goaamo laga soo saarin arrimaha dhaqaalaha. Dhaawac weyn ayaa isbedeladu keeni karaan. Tartiib ha loo socdo,aayar, marka ay noqoto arrimaha dhaqaalaha.